Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamo ka Tirsan Mawisleey oo Cusub lana Dagalaamaaya Alshabaab oo lasoo Bandhigay(Sawiro)

Ciidamo ka Tirsan Mawisleey oo Cusub lana Dagalaamaaya Alshabaab oo lasoo Bandhigay(Sawiro)

0

Deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa gaaray xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe, Saraakiil iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda iyo maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee gaaray deegaanka Biyo Cadde ayaa halkaasi kula kulmay odayaasha dhaqanka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa ayna kala hadleen sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen howlgalada socda.

Waxa ay sheegeen masuuliuyiinta in loo baahan yahay in dadka degan Biyo Cadde doorkooda ka qaataan howlgalada la doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Dadka deegaanka ayaana soo bandhigay dhallinyaro macawuusley ah oo diyaar u ha in ay qeyb ka noqdaan howlgalada gobolka ka socda, waxa ayna macawuusdleyda raga hoggaaminaya sheegeen in kaalintooda dagaalka ka qaadan doonaan.

Gobolka Shabeelaha Dhaxe deegaano katirsan waxaa ka socda abaabul ay wadaan maamulka Hirshabelle iyo Xildhibaano heer federaal ah, kuwaa oo doonaya in dib loo bilaabno howlgalada Al Shabaab gobolka looga saarayo.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe Oo Isbedel Deg Deg Ah Sameeyay, Xili Uu U iclaamiyay Dagaalka Shabaab.
Next articleAbwaan Geesi oo Geeriyooday iyo Xanuunka uu ugeeriyooday oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here