Home Wararka Maanta Shirka Dib U Heshiisiinta Koofur Galbeed Oo Maanta Ka Furmayo Magaalada Baydhabo

Shirka Dib U Heshiisiinta Koofur Galbeed Oo Maanta Ka Furmayo Magaalada Baydhabo

0

Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka furmaya shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed, kaasoo maalmahan qaban qaabadiisa ay ka socotay xarunta gobolka Baay.

Shirkan ayaa la filayaa inay ka qayb galaan madax sare oo ka socota dawladda Federaalka ah oo ay ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Afhayeenka golaha shacabka Sh. Aadan Madoobee, iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka shirkan ayaa ah sidii heshiis loo kala dhex dhigi lahaa maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda, taasoo ka dhalatay mudo kororsiga halka sano ah ee loo sameeyay madaxweyne Lafta-gareen.

Amniga guud ee magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana hoolka shirka uu ka dhacayo iyo goobaha la dajiyay martida amnigooda ay sugayo ciidamadda ka socda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Arrimaha la filayo in xal looga gaaro shirka waxaa qeyb ka ah diidmada Koofur Galbeed ee mucaaradkeeda iney tagaan magaalada Baydhabo iyo xalinta dagaalkii dhawaan ka dhacay Baydhabo oo wali xiisadeeda ay taagan tahay.

Ad
Previous articleKooxda Madaxweyne Deni oo Garoowe ka sameeyey arrin yaab leh oo baaritaan lagu sameynayo
Next articleXildhibaanad katirsaneyd Baarlamaanka Afganistan oo la toogtay iyo Taliban oo War Kasoo Saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here