Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray Hobyo iyo Ciidmada Galmudug...

Qoor Qoor iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray Hobyo iyo Ciidmada Galmudug oo Gordhow lawareegay Deegaan kale oo Qarka Usaaran Xarardheere(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa saakay soo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ujeedada safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku aaddan dardargelinta howlgalada dib u xoreynta ah ee ka socda deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Degmada Hobyo, halkaas oo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoonka gobolka, maamulka degmada iyo masuuliyiin kale.

Qoor Qoor ayaana Amray in Hada la Dhaqaaqo oo aan Lasii joogin Hobyo Madax iyo Ciidanba ay u Dhaqaaqaan Degmada Xarardheere.

Sidoo kale Ciidamada Huwanta Beesha Sacad iyo kuwa xoogga Dalka ayaa Saakay si buuxda ula wareegay degaanka Faax ee hoos yimaada Degmada Xarar-dheere ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalkaan ayaa waxaa sidoo kale Goordhow ku biiri doona Ciidamo ka socda Beelaha Saruur iyo Saleemaan oo qeyb ka noqonaya Howlgalka xoreynt degmada Xarar-dheere.

 

Ad
Previous articleCiidamo Hor leh oo Ka Qayb Qaadanaaya Qabashada Degmada Xarardheere oo lagu Wareejiyay Taliye Biixi(Sawiro)
Next articleWAR DEG DEG AH: Ciidmada Dowlada iyo Kuwa Galmudug oo la Wareegay Degmada Xarardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here