Home Wararka Maanta Raisul Wasaare Xamse oo si aan Caadi ahayn loogu soo dhoweeyey Magaalada...

Raisul Wasaare Xamse oo si aan Caadi ahayn loogu soo dhoweeyey Magaalada Dhagaxbuur(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa masuuliyiinta, waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dowlad Deegaanka Soomaalida kala hadlaya sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa safarka ku wehliya raisul wasaaraha Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Muxumed Cumar iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maalmo ka hor gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dedaanka Soomaalida ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa arrimo dhawr oo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka argagixisada.

Ad
Previous articleTigray: “Waxaan waynay waqti aan ku aasno maydadka, haatanse dhurwaa ayaaba dhammaystay”
Next articleDeeq Laga Raray Guriceel iyo Dhuusamareeb oo lagaarsiiyay Gobalka Hiiraan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here