Home Wararka Maanta Shir Xasaasi ah oo Maalintii labaad galay oo Musharaxiinta u soconaya iyo...

Shir Xasaasi ah oo Maalintii labaad galay oo Musharaxiinta u soconaya iyo Siyaasiin ku biiray

0

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho uu shir uga socdaa Xubnaha midowga Musharrixiinta Madaxweynaha, kuwaas oo dhaliilsan habka ay u socoto doorashada Golaha Shacabka.

Shirka oo ah wajiga labaad ayaa waxaa uu Maanta ka duwan yahay shirarkii hore, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan inay goobjoog ka yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed sheikh Cismaan jawaari iyo Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Kulanka ayaa Midowga Musharrixiinta waxaa uu yahay mid ay uga tashanayaanqaab dhismeedka Gole cusub oo ay yeelan doonaan, iyadoo qorsheynaya inay bilaabaan kacdoon la mid ah midkii Badbaado Qaran.

Midowga Musharrixiinta  ayaa horay u qaadacay doorashooyinkii dhacay, iyaga oo sheegay inay ahaayeen doorasho boob ah oo aan dalka lagu fiirsan karin, waxaana ay u badan tahay in Golaha Cusub ay Maanta ku dhawaaqaan.

Ad
Previous articleCiidamada uganda oo Looga digay weerar kaga imaada Alshabaab inta lagu gudajiro Ciida Kirismiska
Next articleWasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo la Kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here