Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka shaqada kasii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka shaqada kasii dagaya ee Larry André Jr

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka shaqada kasii dagaya ee Mareykanka u qaabilsay arrimaha Soomaaliya, Larry André Jr.

Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka oo ku dhex-taalla xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa sagooyin, maadaama uu xafiiska kasii tagey Larry André Jr oo ahaa danjiraha dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Larry, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan gar-gaarka iyo arrimaha binu aadannimada, dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo taageerada dowladnimada ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro  iskaashi iyo wax- wada-qabsi.

Dhinaca kale safiirka Mareykanka oo madasha ka hadkay ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan uu ku macsalaameynayo, maadaama uu dhameystay muddo xileedkiisa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Kulankan ayaa noqonayo kii ugu dambeeyay ee ay wada yeeshaan madaxweyne Xasan iyo larry, ayada oo labada mas’uul ay isku macsalaameeyeen kulankooda foolka foolka ahaa.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb qaataa dagaalka lagula jirdo kooxda Al-Shabaab oo uu duqeeyo.

Xukuumadda Washington ayaa sidoo kale tababar gaar ah siisa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kuwaas oo si gaar ah ugu howlgalo saldhigga Balidoogle.

Ad
Previous articleIn ka badan 33 kun oo arday oo u fariistay imtixaanka dugsiyada sare
Next articleSafaaradda Maraykanka oo ka cabatay bahdil ay u gaysteen ciidamado Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here