Home Wararka Somaliya Qaramada Midoobey oo Bayaan Deg Deg ah ka soo saartay Dagaalada Muqdisho

Qaramada Midoobey oo Bayaan Deg Deg ah ka soo saartay Dagaalada Muqdisho

0

Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan waxaa ay ka muujisay dagaalada saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa taageersan mucaaradka ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan rabshadaha ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyaga oo dhinacyada ugu baaqay inay xaalada dejiyaan.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay in rabshadaha aysan xal noqoneyn, waxaana Madaxda Soomaalida loogu baaqay inay si deg deg ah ugu laabtaan wada-hadallada.

Warkaan kasoo baxay kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii la soo dhaafay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo Ciidamo Millateri ah oo sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kordhinta Golaha Shacabka u sameeyeen Hay’adaha dowladda.

Ad
Previous articleRa”isul Wasaare Rooble oo la Filayo inuu ka hadlo Xaalada Muqdisho iyo Dagaalada
Next articleDhageyso Barakac ka Bilaawday Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here