Home Wararka Maanta Dowlada Israel oo ku eedeesay Iiraan Weerar loo geestay markab shidaal

Dowlada Israel oo ku eedeesay Iiraan Weerar loo geestay markab shidaal

0

Israel ayaa ku eedaysay dowladda Iiraan inay ka dambaysay weerar lagu qaaday markab shidaal oo ay ku dhinteen laba shaqaale ah kuwaas oo ka soo kala jeeda dalalka Ingiriiska iyo Romania.Doonidan oo ay maamusho shirkadda fadhigeedu yahay magaalada London ee Zodiac Maritime, ayaa ka baxday xeebaha Cumaan markii shilku dhacay khamiistii.

Shirkaddan oo uu leeyahay milkiilaha maraakiibta Israa’iil Eyal Ofer, ayaa sheegtay in ay waddo baaritaan la xiriira sidii lagu oggaan lahaa wixii dhacay

Balse wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Yair Lapid ayaa Jimcihii shalay ku eedeeyay Iiraan argagixisnimo.

“Iran kaliya maahan dhibaato Israa’iil,” ayuu Mr Lapid ku yiri bayaan uu soo saaray, isagoo raaciyay: “Dunidu waa inaysan aamusin.”Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta weerarka ayaan weli si quman loo caddayn. Iiran ayaana weli ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.

Ad
Previous articleTurkiga Keymo ku yaalla oo maalinta Saddexaad gubanaya
Next articleAxmed Madoobe oo si weyn loogu cambaareeyay Talaabo uu shalay qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here