Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo si Kulul uga Hadashay Dagaal beeleedyada ka socda Deegaanada Galmudug

Galmudug oo si Kulul uga Hadashay Dagaal beeleedyada ka socda Deegaanada Galmudug

0

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Dowlad-Goboleedkiisu awood uu adeegsanayo wax ka qabashada dagaal beeleedka ka socda Deegaanno u dhaxeeya Balanballe & Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Falagle ayaa sheegay in dagaal beeleedka uu sababay dhimashada 6 ruux iyo dhaawaca tiro kale uusan sheegin balse dadka deegaanka tilmaamay in uu ku dhaw yahay 10 qof halka deegaanka ay isaga barakaceen dadkii deegaansanayay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa ku goodiyay in maamulkiisa uu awood u adeegsanayo kala qaadista maleeshiyaadkaan hubeysan, Axmed Shire Falagle ayaa dhinacyada dagaalamaya usoo jeediyay in ay joojiyaan dagaalka.

Dhibaatada Galmudug ka heysata wax ka qabashada dagaallada kusoo rogaal-celiyay Galgaduud waxa uu Wasiir Axmed Shire ku sheegay in marka heshiis laga gaaro dagaalka muddo kaddib dib u abaabul u sameeyaan maleeshiyaadka sida uu hadalka u dhigay.

“Nasiib darro weyn weeye dib usoo laabashada dagaal beeleedka, 6 ruux ayaa geeriyootay tiro kale waa dhaawac, Galmudug way u istaagtay oo gacan bir ah ayay ku qabaneysaa dadka ka dambeeya arrintaan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo la hadlay BBC.

“Dagaalka waxaa soo celceliyay marka heshiis la gaaro oo Odoyaashu ku guuleystaan ciidamadana laga soo qaado muddo kaddib waxaa dib u bilawda dirirta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug Axmed Shire Falagle.

DG galmudug ayaa ku guuldareysatay kahortagga Dagaal beeleedyada sababa dhimashada, dhaawaca & dilalka aanooyinka, marka xaalka xumaado ayuu maamulka u diraa ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qaybta 21aad oo muddo kaddib dib ugu laabta xeryahooda.

 

Ad
Previous articleFaah Faahino ku saabsan Haweeney Lagu dilay Deegaan Hoostaga Caabudwaaq
Next articleBiya dhaamin laga sameeyay deegaano ka Tirsan Galmudug oo Abaara xoogan ay ka jiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here