Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo inta Badan Goobihii Alshabab ka Saareen Galmudug kasoo...

Ciidamada Dowlada oo inta Badan Goobihii Alshabab ka Saareen Galmudug kasoo Baxay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa maanta qorsheystay inuu safar ku soo maro magaalooyinka Ceeldheer iyo Galcad oo aagag muhiima u ah howlgalka ka socda gobolka Galgaduud.

Markii la diyaariyey safarka Madaxweynaha oo ku bixi lahaa diyaarado Drones ayaa waxaa soo baxday xog sheegeysa in ciidankii joogay Ceeldheer ee amniga madaxweynaha sugi lahaa ay magaalada isaga baxeen.

Intaas kadib waxaa la diray Taliyaha NISA Mahad Salaad iyo Korneyl Shuute oo Muqdisho ka yimid oo markaas Dhuusamareeb ka soo degay, labadaas sarkaal ayaa lagu bedalay safarkii madaxweynaha.

Markii ay Mahad iyo Shuute ka degi rabaan Galcad waxaa loo sheegay in ciidankii joogay magaalada ay hadana isaga baxeen, taas oo diyaaradihii siday kolonyada labada masuul ku kaliftay inay ku laabtaan Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto cid xog rasmi ah ka bixisay sababta ay ciidamadu uga baxeen magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer oo madaxda hoggaamineysa dagaalka ay safar ku tegi rabeen.

Xogta aan Helayno waxay intaas ku dareysaa inuu jiro gadood ciidan oo ka dhashay weerarkii ciidanka lagu laayey ee ka dhacay degaanka Cowsweyne, waxayna ciidamada iyo saraakiisha qaar ka xumaadeen in wax jawaab ah aysan dowladu ka bixin wixii Cowsweyne ka dhacay.

Markii laga soo tago xogta sheegeysa gadoodka ciidan ee jira, lama yaqaan cida bixineysa amarka ay ciidamadu ku soo baneynayaan furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ku sugnaa degmada Aadan-Yabaal ayaa galabta safar dhulka ah ugu baxay dhanka Galcad, si uu uga hor tago ciidankii faarujiyey saldhigyadii ay ku lahaayeen Galcad iyo Ceeldheer.

Warar soo baxay waxay sheegayaan inuu jiro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga, kaas oo sabab u ah jahawareerka soo wajahay ciidamada qaranka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab.

Ad
Previous articleTaliye Shaahmacabe oo nolol iyo Geeri lagu la,yahay kadib Dagaalkii Cuslaa ee Cowswayne
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Safar Dhulka ah u Aaday Degmada Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here