Home Wararka Somaliya Puntland War Deg Deg ah:Liiska xildhibaanada cusub ee Puntland oo la shaaciyay

War Deg Deg ah:Liiska xildhibaanada cusub ee Puntland oo la shaaciyay

0

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Puntland ayaa saaka aroortii hore shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Puntland oo la sugayay ku dhowaaqistooda.

Guddiga ayaa soo saaray magacyada xildhibaannadan oo ka kooban 66 Mudane, waxaana ku jira 17-ka xildhibaan ee metelayo SSC-Khaatuma, kuwaas oo uu xulistooda muran xoogan ka taagnaa.

Mudug24 oo heshay nuqul kamid ah liiska kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu soo bandhigay magacyada xildhibaannada iyo deeegaannada ay kasoo kala jeedaan.

Arrintan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashada Puntland, maadaama ay horay tallaabadan uga digeen mucaaradka iyo Isimada dhaqanka Puntland oo iyagu soo jeediyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.

Sidoo kale waxa ay arrintan ka hor imaaneysaa go’aankii Isimada SSC iyo hoggaankooda oo dhowaan uun shaaciyay in aysan qayb ka noqon doonin doorashada Puntland, ayna isaga baxeen guud ahaan maamulkaasi, maadaama ay dhisteen maamul madax bannaan oo ay aqoonsatay dowladda dhexe.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku adkaysanaya in doorashada maamulka lagu galo sidii hore, isla markaana aan waxba laga badali doonin siday u dhisneyd illaa amar dambe, taasi oo ka dhigan in 66 xubnood lagu gali doono doorashada, kuwaas oo hadda la shaaciyay.

Si kastaba, tallaabadan ayaa ka dhigan in Puntland qaadacday inay marxaladaan fasaxdo Khaatumo, maadaama ay ku gacan seertay go’aankeedii ka bixista Puntland.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana saacadaha soo socda la sugayaa jawaabta musharixiinta mucaaradka iyo Isimidda dhaqanka ee SSC-Khaatuma.

Ad
Previous articleKumuu ahaa daacigii masjidul Aqsa ee duqaynta ku geeriyooday?
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey 46 ka tirsanaa Al-Shabaab oo hal goob lagu laayay koonfurta Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here