Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH:Weerar ku Bilowday Qaraxyo oo lagu Qaaday Xero ay...

WAR DEG DEG AH:Weerar ku Bilowday Qaraxyo oo lagu Qaaday Xero ay Daganyihiin ATMIS

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ku bilowday qarax miino oo maanta lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo ku sugan gobolka Bakool,

Ciidankan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa lagu qarxiyay inta u dhexeysa degmooyinka Rabdhuure iyo Waajid, waxaana kadib xiga dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaada dagaal socday hal saac uu dhexmaray Shabaabka weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Labada dhinac oo siyaabooyin kala duwan uga hadlay dagaalkan ayaa guullo waa weyn ka kala sheegtay, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha soo kala gaaray.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Buuq iyo Qaylo ka Taagan Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya kadib…
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal ka Socda Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here