Home Wararka Somaliya Maxaa ku soo kordhay Harjadka Dowlada ka wado Dhuusomareeb ee Kursiga Cabdi...

Maxaa ku soo kordhay Harjadka Dowlada ka wado Dhuusomareeb ee Kursiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur

0

Dowlada Somaliya ayaa Dhuusomareeb ka wada Harjad xoogan oo ku aadan kursiga uu Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ku soo galayo Barlamaanka Somaliya.

Wararka mudug24 ka heleyso Magaalada Dhuusomareeb ayaa tilmaamaya in Dowlada ay awood iskugu geesay Sidee meesha looga saari lahaa Siyaasigan lakin taasi badalkeeda waxaa dhanka kale socda dadaal uu wado siyaasigan iyo Xubo ka tirsan Beesha.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo dhinac kala jira Dowlada ayaa arintan ku adkaatay inuu wax ka qabto waxana xaalada ku socotaa in Siyaasiga Beesha Habar-gidir uu u soo boxo Xubinta Barlamaanka ee Numberkiisu yahay HOP053

Xubnaha Doorashooyinka ee markii hore soo saaray go’anka ayaa hada u muuqda kuwa aanan xakameyn karin go’anka Beesha ee ku aadan qofka ay la doonayaan booskan.

inkastoo wali xaalada isku Cakirantahay hada waxaa Saacadaha soo socda la filayaa halka ay u dhacdo doorashada murankeeda ka jiro Dhuusomareeb.

Ad
Previous articleDhuusomareeb oo goor dhow lagu doortay Kursiga labaad ee Doorashada Maanta
Next articleOdayaasha Beesha Habar-gidir oo go’an ka qaatay Kursiga C/Raxmaan C/Shakuur ee Muranka ka jiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here