Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Wacad ku Maray in Dastuurka la Ansixin Doono Kuwa...

Xasan Shiikh oo Wacad ku Maray in Dastuurka la Ansixin Doono Kuwa Qaylinaaya aan loo joojin Doonin

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay masjidka Madaxtooyada, ayaa sheegay in Dastuurka la ansixin doono, oo aan cidna loo joojin doonin, dhinacyada kasoo horjeedana ay dano leeyihiin.

Madaxweynaha ayaa si adag u dhaliilay Madaxdii hore ee kasoo horjeeda qorshihiisa, wuxuuna sheegay in ay Shaatiyo aan sax aheyn, xiranayaan aragtidoodana ay baarlamaanka geeyaan, haddii ay dood iyo aragti hayaan, haddii kale ay yihiin kooxo leh dano aan u adeegeyn daruufaha Soomaaliya.

MW Xassan ayaa sheegay in doorashada 2026-ka hadda arrimaheeda la dhameynayo, oo aan hadhaw laga hadleynin, haddii siyaasiintu ay hadda diidaana uusan doorashada waqtigeeda kuqaban doonin, taasna ay mushkilad tahay.

Madaxdii hore iyo Dhinacyada kasoo horjeeda dastuurka ayuu sheegay in aysan indhahoodu arkeyn guulaha laga gaaray dagaalka Argagixisada, aysana ciidanka dhiirigalineyn, Horumarka deyncafinta, Cunaqabateynta la qaaday iyo dhammaan horumarka aysan arkin, oo kaliya siyaasadaas u muuqato.

Hadalka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kusoo aadaaya Xili Madaxweyne Farmaajo iyo Shiikh Shariif iyo Qaar kamid ah Xildhibaanada Dowlada Soomaaliya Shir ka Dhan ah Dastuurka uu aadeeN garowe ee Xarunta Puntland.

Ad
Previous articleMaxaabiis Badan oo Xabsiga Dhexe laga sii Daayay
Next articleXamse Cabdi Barre oo Asna Wacad ku Maray in Deg deg Wax looga Badali Doono Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here