Home Wararka Maanta Kulan xasaasi ah oo looga hadlay amniga oo Muqdisho ka dhacay {Sawiro}

Kulan xasaasi ah oo looga hadlay amniga oo Muqdisho ka dhacay {Sawiro}

0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Finish ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Caasimada Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis taasi oo dhici doonto Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Bulshada Caasimada ayaa looga codsaday shirkaan in dulqaad iyo adkeesi ay muujiyaan labada maalin ee fooda inagu soo heyso, taasi oo Caasimada ay ka dhici doonto xaflad aad muhiim ugu ah Dowladnimada, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh. Isla markaana ay dhici karto culeesyo dhanka Amni in laga dareemo Caasimada.
Ad
Previous articleDeg Deg: Koonfurgalbeed oo Toogatay ninkii Dilay ganacsato Aamino Malaaq Muqtaar (Sawiro)
Next articleMadaxweynaha Dalka oo Booqday Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here