Home Wararka Maanta Janankii Jeelka ka baxsaday ee dib ula Midoobey Dowladda Maxaa Horay Loogu...

Janankii Jeelka ka baxsaday ee dib ula Midoobey Dowladda Maxaa Horay Loogu Eedeeyay (Akhriso)

0

Dowladda Soomaaliya ayaa cafisay, isla markaana xirtay dacwadii loo heystay wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan. Ninkan dacwaddiisa la laabay waxaa ay dowladda iyo hey’adaha UNka u hesyteen inuu dad badan dilay, qaar jir-dil u geystay halka in kale  sharci darro iska xirtay.

Warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha Suleymaan Maxamuud, loona diray maxkamadda gobolka Banaadir March 22 waxaa lagu sheegay in aanu jirin kiis ka dhan ah Janan halka jawaab ay maalin kadib qortay maxkamadda lagu sheegay in kiiskiisa la xiray.

Janan, oo ahaa nin ka baxsaday hey’adaha dowladda federaalka ah, isla markaana dowladda ay xataa doondoonistiisa la kaashatay INTERPOL ayaa hadda xor ah, arrintan oo timid markii Beledxaawo ay labo wasiir kusoo dhoweeyeen March 24 isaga oo hadda Muqdisho loogula dhaqmo sida ugu sharaf badan.

Bilowga Sheekada:

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu dhibsaday maamulka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyada oo la cunaqabateeyey, cadaadista la saaray waxaa ka mid ahaa in wasiirkiisa amniga oo xilligaas awood badanaa Cabdirashiid Janan lagu qabto garoonka Aden Cadde September 2019, dowladda ayaa sheegtay in loo heysto eedeymo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, arrintan waxaa ammaanay hey’adda Amnesty International  iyada oo sheegtay in ay tahay in la baaro, lana maxkamadeeyo dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo heysto.

Sida ay sheegtay hey’adda UN Monitoring, Janan waxaa uu mas’uul ka ahaa dilal, dil-dil, xarig sharci darro ah iyo falal gabood fallo ah oo ka dhacay sanadihii 2014  iyo 2015.

Baxsashadii Janan:

Si kasta ahaatee, Janan ayaa ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa Muqdisho iyada oo booliiska ay sheegeen inuu ilaa Kismaayo ku tagay doon,  waxaa jiray shaki laga qabay in baxsashadiisa ay aheyd arrin laga shaqeeyey.

Booliiska Soomaaliya ayaa soo saaray qoraallo lagu sheegay in Janan oo cadaaladda ka baxsaday, lana doondoonayo, waxaa kale ay codsadeen in arrintan ay ku gacan siiso hey’adda  INTERPOL.

Waxay aheyd  February 2020 markii ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Janan ay isku dhaceen, 5 caruur ah oo hal qoys ka tirsan, dagaal kadib waxaa isbadalay dhaqanka labada dhinac, waxaana laga war helay heshiiska ay dowladda la gashay Janan, taas oo dhabarjab ku noqotay dad badan oo ka rajo qabatay in loo ciqaabo dambiyada lagu soo oogay.

W/Q Goobjoog

Ad
Previous articleShaqaalaha iyo Dhaqaatiirta isbitaalka Kaysaney ee Muqdisho oo Tuugo ka cabanaya
Next articleSomaliya iyo shiinaha Maxay Maanta ka wada hadleen ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here