Home Wararka Somaliya War deg deg Ah:- Qarax ka dhacay Isgooska Sayidka ee Magaalada Muqdisho

War deg deg Ah:- Qarax ka dhacay Isgooska Sayidka ee Magaalada Muqdisho

0

Qarax xoogan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Koontaroolka laga ilaaliyo Madatooyada.

Sida aan wararka ku helay qaraxan xoogan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ee yaala isgooska Sayidka.

Warar horu dhac ah aan helnay ayaa sheegaya in gaariga qarxay oo nuuciisu NOAH ahaa  ayaa xoog kusoo dhaaftay Isgooska Dabka, waxaana gaarigan oo ciidamada rasaas kasoo daba rideen ugu dambeyn ku qaraxday koontaroolka Sayidska.

Waxaa lasoo sheegayaa in qaraxan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana aaga uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa booliiska.

Ad
Previous articleSawiro:- Ciidamo la kala dhex-dhigay laba Maleeshiyo Beeleed ee ku dagaalamay Xananbuure
Next articleSawiro:- Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho goor dhow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here