Home Wararka Maanta Taliyaasha Saldhigyada Booliiska Gobolka Banaadir oo isbadal lagu sameeyay Xili amaanka Muqdisho...

Taliyaasha Saldhigyada Booliiska Gobolka Banaadir oo isbadal lagu sameeyay Xili amaanka Muqdisho sii xumaanaayo

0

Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) ayaa isbadal weyn ku sameeyay qaar kamid ah taliyaasha saldhigyada booliiska gobolka Banaadir.

Wareegto uu soo saaray taliyaha booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayuu xilka uga qaaday qaar kamid ah taliyaasha saldhigyada booliiska degmooyinka gobolka Banaadir, halka kuwa kalana uu u bedelay degmooyin kale.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xilalka ka qaaday taliyaashii qaybta Waliyow Cadde ,qeybta Galbeed iyo sidoo kale qeybta Bari, waxa uuna u magacaabay taliyaal cusub qeybahaasi.

Wareegtada ayaa lagu magacaabay taliyaha qaybta Waliyow Cadde Gaashaanle Daa’uud Caraale, taliyaha qaybta Bari Macallin Aadan iyo sidoo kale taliyaha qeybta Galbeed oo loo magacaabay Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin.

Isbadalkan lagu sameeyay taliyaasha booliiska saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kusoo aadeysa xilli laguda galayo bisha Barakeesan ee Ramadaan oo inta badan falal ammaan darro ka dhacaan caasimadda Muqdisho.

 

Ad
Previous articleCudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray Tanzania oo hadda la ogaaday waxa uu yahay
Next articleDowlada Talyaaniga oo Gaadiid Dagaal ku Wareejisay Dowlada Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here