Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo xilkii iska...

War Deg Deg ah: Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo xilkii iska casilay

0

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu kahayay xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka aaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboogga waxa u uku caddeeyay in uusan kasii mid ahayn xukuumadda dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri, ”Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen”.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in wasiir Abshir Huruuse uu kamid yahay musharraxiinta loollanka ugu jira kursiga hoggaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Ad
Previous articlePuntland oo Markii ugu Horaysay ka Hadashay Markab Dhawaan Xeebeheeda Lagu Afduubtay
Next articleAlshabaab oo laga Saaray Saldhigyo Waawayn oo ay ku lahaayeen Koonfurta Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here