Home Wararka Maanta Dhageyso: Cali Yare Cali oo laga reebay Shirka Amniga ee Saraakiisha lala...

Dhageyso: Cali Yare Cali oo laga reebay Shirka Amniga ee Saraakiisha lala yeeshay

0

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyey kulankii albaabada uxirnaa ee maanta yeesheen R/wasaare Rooble & Saraakiisha Laamaha Amniga.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidanka ee la kulmay iyadoo la cambaareeyey weerarkii Al Shabaab xalay kusoo qaadeen caasimada Muqdisho.

Waxa la isku afgartay in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab xilli arimaha doorashada ay socdaan laga hortego in shacabka la qal qal geliyo.

Wasiir C/llaahi Maxamed Nuur oo shirka kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay qaateen saraakiisha kulanka ku sugneyd R/wasaare Rooble amarka uu bixiyey.

 

Shirkaasi waxaan ka qeyb gelin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir kuxigeenkiisa Amniga iyo siyaasada Cali yare cali oo arimaha Amniga Caasimada isaga madax u ah balse khilaafka kala dhaxeeya Xukuumada ayaana uu goob joog unoqon kulankaasi.

Ad
Previous articleDeg Deg Taliyihii Saldhiga Booliska Baladweyne oo La Dilay
Next articleAlshabaab oo Digniin Culus u Diray Shacabka ku nool Mudisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here