Home Wararka Somaliya Somaliland Dowlada Itoobiya oo Hanjabaad Hor leh soo Saartay

Dowlada Itoobiya oo Hanjabaad Hor leh soo Saartay

0

Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay hanjabaad ku wajahan qaadashada badda Soomaaliya, xilli mucaarado xooggan uu la kulmayo heshiiska uu Abiy Ahmed la saxiixday madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

La-taliyaha amniga qaranka ra’iisul wasaraaha Itoobiya Redwan Hussein ayaa sheegay in markii Itoobiya ay sameynaysay biyo-xireenka webiga Nile ee GERD, ay sidoo kale la kulantay hajnabaado iyo cabsi gelin, oo aysan dhag jalaq u siin, sidaas oo kalena ay ku qaadan doonto badda.

“Kuma aynan guuleysan biyo-xireenka dib-u-curashada, ayada oo naloo sacab tumayo, balse ayadoo meelo dhow iyo fog na looga soo dirayo hanjabaado iyo cabsi gelin cir iyo dhul ah, iyo annaga oo iska caabinay dhammaan cadaadisyo noocyo kala duwan ah. Albaabka badda na sidaas oo kale ayuu noqon doonaa,” ayuu yiri.

Balse Redwan ayaa hilmaamsan farqiga u dhaxeeya webiga Nile iyo badda Soomaaliya, oo ah in Nile uu dhex maro dhulka Itoobiya, badda Soomaaliya ay tahay mid dal madax-banaan.

Si kastaba, hadalka Redwan Hussein ayaa caddeyn buuxda u ah in tallaabada uu qaaday Abiy Ahmed ay tahay mid aan kaftan iyo cayaar aheyn, oo ay ka go’an tahay inuu xoog ku qaato badda Soomaaliya, isaga oo aqoonsi been ah ku maaweelinaya Somaliland.

Is-afgaradka dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, ayey Somaliland sheegtay in ay aqoonsi uga heleyso Itoobiya, taas beddelkeedana ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya.

Balse Itoobiya ayaan weli xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay in marka ay badda hesho kadib ay dersi doonto arrinta aqoonsiga, taasi oo caddeyn u ah in Muuse Biixi uu macno la’aan ku saxiixay badda.

Itoobiya ayaan raadineyn kaliya bad ay dekad iyo saldhig ciidan ka sameysato, balse waxay dooneysaa dhul Soomaaliya ka mid ah oo kasoo baxa xuduudda Itoobiya oo ku xiran illaa badda oo ay qaadato, si ay uga baxdo bad la’aanta.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya ay qaadato Itoobiya oo ay ka xigaan dagaal iyo dhimasho.

Ad
Previous articleSacuudiga oo war culus ka soo saaray damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya lana Saftay…
Next articleHoobiyayaal lagu Garaacay Xalane iyo Shaqaale Qaramada Midoobay ka Tirsanaa oo ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here