Home Wararka Maanta P.M Xamsa “Waxaa la sheegaa inuu jiro musuq-maasuq badan Soomaaliya International Transparency...

P.M Xamsa “Waxaa la sheegaa inuu jiro musuq-maasuq badan Soomaaliya International Transparency waxay nagu soo qortaa meel aad u fool xun yaa wada xaggee ka timid”?

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta ayaa si adag uga hadlay arrimo musuq-maasuqa ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen xubnaha beesha caalamka iyo wasiirada dowladda federaalka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha maaliyadda ee dalka.

Xamza oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa su’aallo ka keenay warbixinnada soo laa laabta ee ay oomaaliya ka gasho kaalinta u hooseysa dalalka ugu badan musuqa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa is weydiiyay cidda sameysay musuqa, isaga oo tusaale usoo qaatay golihiisa wasiirada.

“Waxaa la sheegaa inuu jiro musuq-maasuq badan, Soomaaliya International Transparency waxay nagu soo qortaa meel aad u fool xun yaa wada xaggee ka timid, yaa mas’uul ka ah, ma anigaa musuq-maasuq sameeya? xagggee musuq-maasuqa ka yimid ma heerka wasiirada mise Xalane ayay fadhidaa” ayuu is weydiiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa laga yabaa in aysan wanaagsaneyn wada shaqeynteenna, waxaa laga yaabaa inuu shaki nagu dhex jiro”.

Xamza oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in marka hore laga hagaajiyo wada shaqeynta, kadibna la’is aamino, si looga shaqeeyo horumarka guud ee dalka.

“Waxayu u baahanahay in la’si fahmo, bal horta aan wada shaqeynta ku heshiino, Soomaalida gudaheeda iyo saaxibadeenna caalamka” ayuu mar kale yiri Xamza.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay dhowaan qaaday tallaabooyin ka dhan ah musuqa oo loo soo xiray mas’uuliyiin haatan la maxkamadeynayo.

Ad
Previous articleMeydka Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax oo Mudo kadib la Aasay iyo Maxakamad Amar Ku bixisay in la aaso
Next articleAxmed Mayre Makaraan oo Sideed Sano Kadib Xilka Laga Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here