Home Wararka Maanta Ma Dhabaa in Nin kamid aha Shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya uu Qayb ka...

Ma Dhabaa in Nin kamid aha Shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya uu Qayb ka ahaa Weerarkii Lagu Qaaday Hotel SYL?

0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horreysay beeniyay jiritaanka warar soo baxayay oo sheegayay in mid kamid ah shaqaalaha baarlamaanka uu ku lug lahaa weerarkii hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi, isaga oo meesha ka saaray in mid ka mid ah howl-wadeennada baarlamaanka uu ku lug lahaa weerarkaasi ka dhacay hoteel ku yaalla irrida Madaxtooyada Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Jaabiri oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay in kaarka aqoonsiga ah ee lagu baahiyay baraha bulshada, lana sheegay inuu leeyahay mid kamid ah raggii weerarkaasi geystay, uu yahay mid been abuur ah.

Waxa uu sheegay in ninkaasi uusan weligii ka shaqo gelin baarlamaanka, uusan ka tirsaneyn shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u cadeynayaa in aqoonsiga meesha ka muuqdo uu yahay been abuur, shaqsiga meesha ka muuqdana uusan u shaqeyn Golaha Shacabka,” ayuu Cabdiraxmaan Jaabiri ku yiri qoraal uu soo saaray.

Kaarka la helay ee baarlaamka iska fogseyay ayaa waxaa ku qornaa qof lagu magacaabo Liibaan Maxamed Maxamuud oo shaqadiisuna ay ahayd “farsamo yaqaan” katirsanaa BF, sida ku qorneyd kaarka aqoonsiga ee la helay.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli uu sii xoogeysanayo tuhunka ka dhashay weerarkii hoteelka SYL ee Khamiistii, kaasi oo ku yaalla xeyndaanka Madaxtooyada Soomaaliya oo si weyn loo ilaaliyo.

Goobta uu ku yaallo hoteelka la weeraray ayaa ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, ayna ku yaallan kontoroolo ay adag tahay in si fudud looga soo gudbo, taasi oo muujineysa in dhinacyo kale ku lug leeyihiin weerarkaan ayna fududeeyeen.

Baarista kiiskan ayaa socota, waxaana illaa hadda loo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo askar ka tirsan kuwii ku qornaa kontoroollada laga ilaaliyo Madaxtooyada habeenka uu dhacayay weerarka.
Ad
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la wareegay galka weerarkii hoteelka SYL
Next articleSarkaalkii Ka Danbeeyey Dilka Taliyihii Danab oo Maxkamad Kasoo Taagay Iyo Wixii uu Alshabaab kula Heshiiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here