Home Wararka Maanta Deg Deg: Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Nabad Sugida Oo Goordhow Muqdisho...

Deg Deg: Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Nabad Sugida Oo Goordhow Muqdisho lagu Dilay

0

Kooxo hubeesan ayaa goordhaw agagaarka Isbitaalka Banaadir gaar ahaan goob lagu iibiyo qudaarta waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Sida aan wararka ku helnay Sargaalka la dilay oo lagu magacaabayay Maxamed Cabdullaahi Garasey (Sheekh Cajaa’ib) ayaa la dilay xilli uu gaarigiisa ku dhax jiray uuna iibsanayay qudaar sida goobjoogayaal sheegeen.

Kooxdii dilka geesatay ayaa goobta si degdeg ah uga baxsatay, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in kooxdan dilka fulisay horey usii qaadateen biskoolad iyo laptob uu watay sargaalka ay dileen.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo dilka kaddib goobta soo gaaray ayaa bilaabay baaritaano, lamana soo sheegin ciidamada dad ay usoo qabteen dilkan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sargaalkan la dilay ayaa horey uga mid ahaa maxaakiimtii islaamka, waxa uuna markii dambe kamid noqday ciidamada dowladda gaar ahaan sarakaiisha hay’adda NISA uu sannado badan katirsanaa.

Ad
Previous articlePuntland oo k Dhawaaqday inay Xirmeen 21 Iskuul Sababtana Shaacisay
Next articleBiden oo si caro leh uga hadlay dil argagaxa leh oo loo geystay dad Muslmiin ah ee Ku Nool Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here