Home Wararka Maanta Faah faahino Dheeraad ah oo Kasoo Baxaysa Dagaal ka dhacay...

Faah faahino Dheeraad ah oo Kasoo Baxaysa Dagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidan ka tirsan dowlada & maleeshiyaad macawiisley ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay muran ka dhashay Qaad laga soo dajiyey xeebta, waxaana isku dagaalay labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dagaalka ayaa si gaar ah u dhex-maray ciidamo isugu jira Milatari iyo Boolis doonayey inay Jaadka soo gudbiyeen rag kale oo Macawiisley ah oo iyagana ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka labada dhinac, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxaana haatan kacsan xaaladda.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshay dagaalka ka qarxay halkaas, kaas oo illaa shalay xiisadiisa ay ka taagneyd Ceel Huur iyo illaa wadada ka timaada Jaziira.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadaasi oo ah mid soo noq-noqatay, isla-markaana geystay khasaare xoogan.

Ad
Previous articleDoorashada Ceelwaaq oo lasoo gabagabeeyey + Sawirro
Next articleHadal jeedinta musharixiinta Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya oo Bilaabatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here