Home Wararka Maanta Weerar lagu Qaaday Akadeemiyadda Militari Dalka Siiriya Oo Ay Boqol Ruux Ku...

Weerar lagu Qaaday Akadeemiyadda Militari Dalka Siiriya Oo Ay Boqol Ruux Ku Dhinteen

0

Weerar ay diyaarad Drone ah ku qaaday Akademiyada Militariga Suuriya ee ku taal magaalada Homs ayaa lagu dilay in ka badan 100 qof,halka tiro kabadana ay ku dhaawacmeen.

Toban qof oo rayid ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sidday walxaha qarxa lala beegsaday xaflad qalin-jabin ah oo ay ka qayb-galeen qoysaska ardaydu, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya.

Weerarkan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa la rumeysan yahay in laga soo qaaday deegaannada ay mucaaradka maamulaan ee waqooyi-galbeed ee Xumus.

Dhinaca kale madaafiic lagu garaacay deegaano ka tirsan gobolka Idlib oo ay mucaaradku ku xoogan yihiin ayaa lagu diley shan ruux oo la sheegay inay ahaayeen dad rayid ah.

Wakaaladda wararka Suuriya ee Sanca, ayaa soo xiganaysa bayaan ka soo baxay taliska guud ee ciidamada qalabka sida lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo siday walxaha qarxa ay la beegsadeen dugsiga sare ee ciidamada Xoms wax yar uun ka dib markii ay dhammaatay xafladdii qalin jebinta.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka diyaarada aan duuliyaha lahayn ee ka dhacay magaalada Homs, kaasoo ay dowladda Suuriya ku eedeysay kaliya wax ay ku tilmaantay dagaalyahannada ay taageeraan ciidamada caalamiga ah ee la yaqaan

Waxaa jira warar badan oo la isla dhexmarayo oo sheegaya in xoogaga mucaaradka Suuriya ee fadhigoodu yahay Idlib ay ka dambeeyaan weerarka.

Sidoo kale waxaa looga shakisan yahay weerarkan inay ka dambeeyaan haraadiga ISIL (ISIS) ee fadhigoodu yahay saxaraha dhexe ee Suuriya.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu ku soo riday waqooyi bari dalka Suuriya diyaarad aan duuliye lahayn oo hubeysan oo laga leeyahay dalka Turkiga, kadib markii ay bambaanooyin ku tuureen bartilmaameedyo u dhow Hasakah, ayna ku soo dhawaadeen in ay khatar ku noqdaan ciidamada Mareykanka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ku ku qaadeen xarun ay ka qalin jabinayeen machad milateri oo ku taalla Suuriya, sida uu sheegay afhayeenkiisu.

“Xoghayaha guud wuxuu si qoto dheer uga walaacsan yahay weerarka ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo geystay arday ka qalin-jabisay akadeemiyadda ciidamada ee Homs, kaasoo lagu soo waramayo inay ka dhasheen tobannaan qof oo dhaawac ah, oo ay ku jiraan dad rayid ah iyo dhaawacyo tiro badan,” Stephane Dujarric ayaa u sheegay suxufiyiinta.

In ka badan nus malyuun qof ayaa lagu dilay dagaalka sokeeye ee qarxay dalka Siiriya kadib markii madaxweyne Bashaar Al-asad uu si weyn uga soo horjeestey dibadbaxyo nabadeed oo lagu taageerayey dimuqraadiyadda 2011-kii.

Ilaa 6.8 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka, halka 6 milyan oo kalena ay yihiin qaxooti ama magangalyo-doon dibadda ah.

Ad
Previous articleDiyaaradaha dagaalka Mareykanka oo soo riday diyaarad Turkiga leeyahay oo Howlgal ku jirtay
Next articleMucaaradka koonfur galbeed oo Markale Dhuusamareeb kusoo Wajahan Maxaa Soo Kordhay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here