Home Wararka Somaliya Somaliland Ciidamo cusub oo kasoo goostay ciidamada Somaliland oo maanta ku biiray jabhada...

Ciidamo cusub oo kasoo goostay ciidamada Somaliland oo maanta ku biiray jabhada ku sugan buurta Gacan-Libaax

0

Ciidamo cusub oo kasoo goostay ciidamada Somaliland ayaa maanta ku biiray jabhada ku sugan buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil.

Ciidankan ayaa sheegay inay markii hore ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland ee Laascaanood jooga, iyaga oo sheegay in ay dagaal la galayaan xukuumada Somaliland.

Hoggaanka Jabhadda oo halkaasi kusoo dhaweeyay ciidankan kasoo goostay Somaliland ayaa wuxuu ugu baaqay kuwa kale ee kamid ah ay iskaga soo baxaan, ayna dulmiga diidaan, sida ay sheegeen.

“Sida nimankaniba uga soo baxeen iskaga soo wada baxa dulmi ayaad ku socoteene, tanaa xaqa, dagaalkan xaqa ah soo gala ee rajiimka lagaga xoraynayo waddanka uu baabasaday, dalka iyo dadka iyo diinta.”

Ciidankan ayaa sidoo kale lasoo goostay hubkii ay hore u siisay Somaliland, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la dagaalaman Somaliland, oo ay hore uga tiirsanaayeen ciidankeeda.

Jabhadda oo la magac baxday ‘Dulmi-diidka’ ayaa waxay dhawaan hanjabaad culus ugu dirtay madaxweynaha, iyaga oo dagaal la galay ciidamada RRU oo dhawaan halkaasi la geeyay.

Inkasta oo ay jabhaddu faah-faahin ka bixin waxay ula jeedo magaca ay la baxday ee “Dulmi-diidka”, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la isku hayo gudaha Somaliland oo ay ugu horreyso doorashooyinka, xilli ay dhawaan guddiga doorashooyinka Somaliland ay soo saareen jadwal doorasho.

Jabhaddan ayaa la sheegay in ay si iskooda ah wax uruursadeen, sidoo kalena ay taageere dhaqaale ay ka heleen qaar kamid ah qurbajoogta ay isku deegaanka yihiin, kuwaasi oo dibedda ka wadda olole dhaqaale loogu aruurinayo jabhadda farriisinta ka dhigatay buurta Gacan-Libaax.

Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, taasi oo horseeday in gudaheeda ka abuurmaan jabhaddo kasoo horjeeda maamulka.

Ad
Previous articleMaxay noqoneysaa shaqada madaxweyne Xasan Shiikh ee bisha soo socta oo uu ku Sugnaan Doono Galmudug?
Next articleCiidamo Ka Tirsan Guutada Khaalid Bin Waliid oo u Goostay Hiiraan State

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here