Home Wararka Somaliya War Hada Ah: Gobola Mudug oo Qarax Ismiidaamin ahaa ka dhacay...

War Hada Ah: Gobola Mudug oo Qarax Ismiidaamin ahaa ka dhacay goor dhow

0

Wararka naga gaaraya gobolka Mudug gaar ahaan agagaarka degaanka Bacaadweyn ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Saldhig ay leeyihiin ciidanka dowladda Soomaaliya.

Laamaha Amniga Galmudug iyo kuwo dowladda dhexe ayaa xaqiijiyay in Qaraxa la fashiliyay ka dib markii ciidanka Ammaanka ay toogteen ruuxii waday gaariga.

Waxaa kaloo ay sheegeen in aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray, maadaama inta uusan soo gaarin xerada ciidanka la fashiliyay, Ciidamada ayaa marka hore toogtay wadihii gaariga, Sidaasna waxaa markii dambe ku qarxay gaariga.

Ad
Previous articleCiidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Howlgalo ka bilaabay Deegaano Mudug ka tirsan
Next articleGalmudug oo ka Warbixisay Qaraxa Ismiidaaminta Ahaa iyo Qaabka looga hortagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here