Home Wararka Somaliya Galmudug Maamulka Galmudug oo soo geba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka ee Socotay Dhawaanahan

Maamulka Galmudug oo soo geba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka ee Socotay Dhawaanahan

0

Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa soo gabagabeeyay dhammaan doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ka dib markii kuraastii ugu dambeysay goor dhow lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Xuseen Axmed Culusow ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#021 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Musharax ⁰Xuseen Axmed Culusow ayaa ku guuleysatay 99 cod oo ah kooramka ergada xaadirka ahayd.

Sahro Colaad Cabdi ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#018 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Musharax Sahro Colaad Cabdi ayaa ku guuleysatay 101 cod oo ah kooramka ergada dhammaan.

Shamso Cilmi Xasan ayaa ku guuleystay kursiga HOP 020 kadib goobta doorashada ay soo xaadiri weysay musharaxdii la tartameysay.

Shamso ayaa noqoneysa xildhibaanada ugu dambeysay ee lagu soo gaba gabeeyo doorashada Aqalka hoose ee ka socotay Galmudug.

45xildhibaan ayaa lagu doortay Galmudug sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka.

Ad
Previous articleMaamulka puntland oo Shaaciyay kuraastii udanbaysay ee Doorashada
Next articleRuushka oo dhulka la simay Garoonka dayuuradaha ee Magaalada Dnipro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here