Home Wararka Maanta Shirka Golaha Wasiirada oo Goordhow lagu ansixiyay laba xeer oo muhiim u...

Shirka Golaha Wasiirada oo Goordhow lagu ansixiyay laba xeer oo muhiim u ah amniga dalka(Sawiro)

0

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay sida caadada ahayd ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Inta badan golaha waisirada ayaa shirkan soo xaadiray, ayada oo lagu ansixiyay laba xeer oo muhiim u ah amniga dalka, oo ay dadaal xoogan ku bixineyso dowladda Soomaaliya.

Labada xeer ee ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah  Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security), kaas oo ay goluhu maanta u codeeyeen, wuxuuna usii gudbi doonaan baarlamaanka Soomaaliya.

Intaas kadib golaha waisirada ayaa waxaa la horkeenay warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka.

Golaha ayaa faray hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii deg-deg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka.

Sidoo kale shirka golaha wasiirada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka wasaaradaha gaashaadhigga iyo amniga gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana ciidanku hadda ku hawlan yihiin samo-tabixinta dadka fatahaadaha roobabku saameeyeen.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay daadad xoogan oo saameyn ku yeeshay boqolaal kun oo qoys oo ka barakacay guryahooda, kadib ay dadaadku qaadeen.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan wata gurmad xoogan oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladdan, waxayna maanta doonyo u dirtay gobolka Gedo.

Ad
Previous articleDoonyo loo raray Gobalka Gedo Xili Daad ba,an kusoo Rogmadeeen(Sawiro)
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loo Gaystay Yuusuf Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here