Home Wararka Maanta Rajesh Vishwas oo Xilka Laga Qaaday kadib Markii Teleefankiisu oo Biyo Uga...

Rajesh Vishwas oo Xilka Laga Qaaday kadib Markii Teleefankiisu oo Biyo Uga Dhacay uu ku kacay Fal lalayaabay

0

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa si weyn u hadal heysa shaqo joojin lagu sameeyay masuul katirsanaa dowladda , kaa oo lagu eedeeyay in keyd biyo badan ku jireen u daadiyay si uu u helo telfoonkiisa oo uga dhacay.

Kormeeraha cuntada ee dawladda Hindiya Rajesh Vishwas, ayaa la sheegay in xilli uu sawir isaga qaadayay telfoonkiisa uu biyaha uga dhacay, waxa uuna masuulkan amray in biyaha keydka ahaa la daadiyo si loo helo moobeelkiisa.

Masuulkan ayaa la sheegay in uu amray in kayd dhan oo ay ku jiraan malaayiin litir oo biyo ah la soo saaro, kadib markii uu taleefoonkiisa Samsung uu uga dhacay mar uu iska qaadayay sawir Selfie ah.

Telfoonka Rajesh Vishwas ayey ku qaadatay muddo saddex maalin ah in la helo, waxaana markii la helay haddana dhacday nasiib darro aheyd in uu shaqeyn waayay uuna ciladoobay telfoonkii dartiis keydka biyaha badan loo daadiyay.

Ad
Previous articleDacwad ooga Sare Noordin Haji oo lagala noqday abaal-marin hore loo siisay iyo Sababta keentay
Next articleQaramada Midoobay oo si adag uga hadashay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Buulamareer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here