Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal Qaraar oo Saacado Badan Qaatay Oo Ka Dhacay Koonfurta Mudug oo...

Dagaal Qaraar oo Saacado Badan Qaatay Oo Ka Dhacay Koonfurta Mudug oo Alshabaab lagu Jabiyay iyo Dowlada oo War Kasoo Saartay

0

Dowlad Soomaaliya ayaa Goordhow War kasoo Saartay Dagaal Culus oo Maantay Galmudug iyo Alshabaab ku dhexmaray Gobalka Mudug.

In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug, Geesiyaasha Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Shabeeloow oo u dhaxeeya magaalooyinka Qaycad iyo Bacaadwayne ee gobalka Mudug.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka isgarabsanaya ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka Shabeelow, waxaana howlgalkaan uu socday in ka badan 10-saacadood.

Ciidanka oo si buuxda ula wareegay deegaanka lagu dagaalamay ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo.

Dhanka kale waxaa jira maleeshiyaad gaaraya ilaa iyo 14 kuwaas oo ay qaldeen horjoogayaasha Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan gobalka Mudug.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khawaarigta.

 

Ad
Previous articleRuushka oo Hakiyay Heshiiska Nukliyeerka ee Dalka Mareykanka
Next articleDowlada Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ee guriga Mirinaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here