Home Wararka Somaliya Ciidamada Galmudug iyo Kuwa DFS oo dib u la wareegay Deegaanka Camaara...

Ciidamada Galmudug iyo Kuwa DFS oo dib u la wareegay Deegaanka Camaara ee Gobalka Mudug

0

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dib u qabsaday duhurnimadii maanta magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay saaka soo galeen  Al-Shabaab, sida ay dadka degaanku u sheegeen Mudug24.

Ciidamada dawladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan Camaara. Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday  ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara saaka. Ilaa hadda dawladda Maraykanka oo gaysata inta badan duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ma aysan xaqiijin duqayntaasi iyo inuu khasaare ka dhashay.

Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa isaguna dhaniisa u sheegay  VOA in dhinca cirka laga duqeeyey maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana uu beeniyey in ciidamda dawladda markii hore laga qabsaday camaara.

Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah kusoo qaadday Camaara. Warar ay ilo kala duwan ka heshay VOA ayaa sheegaya in khasaare ka dhashay weerarka Al-Shabaab.

Horraantiii bishan ayey ahayd markii ciidamada dawladda iyo kuwa Galmudug ay degaannada Bacaadweyne, Camaara iyo Qeycad ka qabsadeen Al-Shabaab kadib guluf milatari oo toddobaadyo socday.

Ad
Previous articleGalmudug iyo Kooxda Shabaab oo guulo ka kala sheegtay Dagaalada ka Socda Camaara
Next articleWasaaradda Amniga Galmudug oo shaacisay in ay dib ula Wareegeen Camaara oo Alshabaab gacanta u gashay Maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here