Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maantay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maantay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka….

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maantay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta.

Safiirrada cusub oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa kala ah; Marwo Namgya Choden, Mudane Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Mudane Abdullahi Mutlaq Al Otabi.

Danjireyaasha ayaa Madaxweyne Xasan la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan dowlada iyo shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo Danjireyaasha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay dowladda federaalka Soomaaliya la leeyihiin dowladaha ay ka socdaan ee Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wada-shaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, dowladda federaalka Soomaaliya-na ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.
Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee labada badmaax ee Maraykanka u dhashay ee lagu waayay xeebaha Soomaaliya
Next articleWar deg Deg Ah: Xasan shiikh oo Markale Gaaray Dhuusamareeb iyo Dagaalo Culus oo Bilaaban Doona(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here