Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Geerida Wasiirkii Hore ee Waxbarashada Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Geerida Wasiirkii Hore ee Waxbarashada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marxuumad khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ku geeriyootay Magaalada Columbus ee Dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay doorkii Marxuumaddu ay ka soo qaadatay horumarinta Waxbarashada Dalka muddadii ay haysey Xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Alle ha u naxariistee khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada. Marxuumaddu, intii ay ahayd Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada waxa ay door wanaagsan ka soo qaadatay Horumarinta mustaqbalka iyo Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.

 

Ad
Previous articleLaba Wasiir oo caan ka ahaa Soomaaliya oo Maanta Geeriyooday
Next articleGalmudug iyo Puntland oo ka Shiray Xaalada Amniga iyo sidii la isaga kaashan lahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here