Home Wararka Maanta Villa Somalia oo shaacisay inay dhinteen Qaar kamid ah Ciidamadii loo Qaaday...

Villa Somalia oo shaacisay inay dhinteen Qaar kamid ah Ciidamadii loo Qaaday Dalka Eritrea

0

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo marti ku ahaa  barnaamij ka baxay TV-ga Somali Cable ayaa si cad u sheegay in qaar kamid ah dhalinyaradii tababarka looga qaaday dalka Eritrea ay siyaabo kala duwan u dhinteen.

Cabdikariin ayaa intaas raaciyey in dhalinayada dhimatay waalidiintood ay akhbaartu gaartay, isagoo balan qaaday in waalidiinta aan helin xogta in wiilashoodii dhinteen uu isagu siinayo.

“Waxaan kuu qorayaa lambarkeyga ee ila soo hadashii waalidka aan wiilkiisa dhintay warka ka heyn, anigaa xogta siinayee,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo qof su’aal weydiiyey u jawaabayey.

Barnaamijkaan oo ahaa mid su’aalo lagu weydiinayey Afhayeenka ayuu sidoo kale ku shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii dhalinyaradaas dib loogu soo celin lahaa dalkooda.

Mar la weydiiyey su’aal aheyd in lacag dhan 50 milyan madax-furasho loogu heysto dhalinyaradaas ayuu ka meer meeray inay ka jawaabo, wuxuuna weriyaasha Soomaaliyeed u soo jeediyey in ayagu ay baaraan xogtaas.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay balan qaadeyso in dhalinyaradaas inta ka nool dalka dib loogu soo celinayo, iyagoo tababaran oo dalka anfacaya.

“Dadka iyo dowladda Soomaaliyeed xilli ay uga baahi badan yihiin ma jirto maanta inay helaan 5-kun oo wiil oo tababaran, waa lakeenayaa, waalidiinta Soomaaliyeed-na waa ay ka war hayaan caruurtooda inta dhimatay, inta noolna waa ka war hayaan, waana la keenayaa inta nool,” ayuu yiri Cabdikariin.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu amnigu ahmiyad gaar ah u leeyahay, isla markaana askarta ku maqan Eritrea ay muhiim u yihiin qorshaha amni ku soo dabaalidda dalka ee madaxweynaha.

Ad
Previous articleXaalad xun oo Muqdisho ka jirta iyo dadka geeriyooday oo Lagu aaso Meela Halis ah (Sawiro)
Next articleHoggaamiyihii Taliban ee loo haystay inuu mar hore dhintay oo khudbad ka jeediyay Kabul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here