Home Wararka Maanta Gaari Alshabaab ku Soo Rareen Qalab aan Xabadu karin oo Muqdisho lagu...

Gaari Alshabaab ku Soo Rareen Qalab aan Xabadu karin oo Muqdisho lagu Qabtay

0

Ciidamada hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay gaari laga soo buuxiyey biraha lagu sameeyo baabuurta aysan xabadda karin oo Al-Shabaab ay kasoo direen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Gaarigan oo ahaa nooca UD ama Soomaaliya u taqaano Dhayno, ayaa laba toddobaad kahor lagu qabtay suuqa Bakaaraha, sida aan xogta ku helnay. Ciidamada NISA ayaa sidoo kale qabtay shan qof oo loo haysto inay gaariga la socdeen.

Ilo-wareedyo ka tirsan NISA ayaa xaqiijiyey in gaariga uu agabka saaran usii gudbin lahaa gobollada Galmudug, oo ah meelaha la filayo inuu dagaal xooggan ku dhex-maro ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Qorshaha laga lahaa biraha ayaa ah in lagu sameeyo baabuur bullet proof ah, oo aysan xabadda karin oo Al-Shabaab kadibna ay u adeegsato inay weeraro ku fuliso.

Al-Shabaab ayaa marka ay weerareyso xarumaha dowladda iyo saldhigyada ciidamada waxay adeegsataa gawaari bullet proof ah, taasi oo u sahleysa inay kontroollada ciidanka xoog ku dhaafaan, islamarkaana rasaasta lagu furo aysan waxba u gaysan, sidaasna ay ku galaan goobaha ay beegsanayaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa fulisay weeraro dhimasho badan oo ay ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyo xarumo dowladeed kuna laysay shacab iyo ciidamo badan.

Mid ka mid ah sababaha ay adag tahay in weerarada noocan ah looga hortago ayaa ah xaqiiqda ah in Al-Shabaab ay adeegsadaan baabuur aysan xabadda karin kuna galaan saldhigyada iyo meelaha ay qarxinayaan, sida ay sheegeen saraakiisha NISA.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in shaqsiyaadka lala qabtay gaariga oo hadda xiran lagu wareejin doono dacwad-oogayaasha dowladda si loo horgeeyo maxkamadda ciidamada qalabka sida, loona mariyo cadaaladda.

Ad
Previous articleSheekh Aadan (Madoobe) oo hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS.(Sawiro)
Next articlefaahfaahin Dheere ah oo kasoo baxaysa Dagaalkii Cuslaa ee Shalay ka dhacay Duleedka Budbud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here