Home Wararka Somaliya Galmudug Maamulka Puntland oo sheegay in Ciidan u direen Dhanka Galmudug

Maamulka Puntland oo sheegay in Ciidan u direen Dhanka Galmudug

0

Puntland ayaa Galmudug u dirtay ciidan leh istaraatajiyad dagaal, si wanaagsanna u yaqaanaya la dagaallanka Al-Shabaab kuwaas oo ka hawlgeli doono qeybo kamid ah Mudug oo todobaadyadii u dambeeyey kolba dhinac la riixayey, sida uu BBC-da u sheegay Gudoomiyaha Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare.

Wasiirka amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sidoo kale qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in saraakiisha Puntland ay si hordhac ah kusoo gaartay Jiidda hore ee dagaalka.

“Tallaabo kale oo taariikhda baal-dahab ah ka geli doonta oo mudan bogaadin iyo mahadcelin soona xiri doonta kala qoqobkii iyo colaadihii gacan ku samayska ahaa ee ka dhexeyn jirey dadka walaalaha derska ah ee Puntland iyo Galmudug.” Ayuu ku yiri bartiisa Facebook.

Ad
Previous articleHinti dhowrka Guud ee Qaranka oo War ka soo saaray Murankii Tiyaatarka Qaranka
Next articleDalka Canada oo lagu Dhaawacay Dhalinyaro Somali oo goob ku sugnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here