Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ee Golaha...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka rabana inuu baajiyo mooshinkii la gudbiyay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu uga warbixiyey halganka dalka lagaga xoreynayo kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan argagixisada Khawaarijta ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaqeynta goleyaasha dowladda.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir.

Ad
Previous articleTPLF oo Ciidamadoodii Kal baxay Furimaha Dagaalka Xili Lagu amray inay Hubka Dhigaan
Next articleNISA Oo Xabsiga Dhigtay Haweeney Iyo Laba Rag Ah Oo Shabaab Lala Xiriiriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here