Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Duqaymo iyo Dagaalo ka Dhacay koonfurta Gobalka Mudug

Wararkii ugu Danbeeyey Duqaymo iyo Dagaalo ka Dhacay koonfurta Gobalka Mudug

0

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa xalay saqdii dhaxe iyo saakay aroortii hore duqeymo dhinaca cirka ah ku garaacay dhulka Howdka ah ee Jeexjeexa oo u dhexeeya deegaannada Caad iyo Cadaley ee Koofurta gobolka Mudug .

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday goob ay isku aruursanayeen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab , sidoo kale lagu diyaarinayay qaraxyo baabuur.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalka ka dhacay howdka Jeexjeexa lagu dilay 50 xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo isugu jira  saraakiil iyo dagaalyahanno, waxa uuna intaa ku daray in weerarka lagu dhaawacay 40-dagaalyahan oo kale.

Weerarkan ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in guud ahaan Al Shabaab kaga saarayaan gobolkaasi, gaar ahana dhulka howdka ah ay ku dhuumaaleesanayaan.

Ad
Previous articleWar cusub oo ku saabsan doorashada Puntland ayaa kasoo baxay Garaadada Khaatumo
Next articleDoon u rarnayd ganacsatada Galmudug oo Gabi ahaanb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here