Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal Culus oo Ku Bilowday Qaraxyo oo Alshabaab ku Qaadeen Caad iyo...

Dagaal Culus oo Ku Bilowday Qaraxyo oo Alshabaab ku Qaadeen Caad iyo Faysal Dhagool oo Ka Mid noqday Saraakiisha Ku dhimatay Dagaalkaas

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa saaka weerar xoogan ku ekeeyay saldhigyo ay magaaladaas ku leeyihiin ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo horay kooxda uga qabsaday halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka iyo qaraxyada ay ka dhasheen khasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu la’egyahay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay weerarkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerarkaasi, ayna jabiyeen Al-Shabaab.

Saraakiisha Ilaa hada Geeridooda La xaqiijiyay Waxaa ka Mid ah Allha u naxariisto faysal dhagool oo ka Mid ahaa Saraakiisha firfircoon ee Daraawiishta Galmudug.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar
Next articleAlshabaab oo Wali Ku sugan Gudaha Magaalada caad Gubaayana….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here