Home Wararka Somaliya Galmudug Shirwayne Looga Hadlay Abaaharaha Ba,an ee Ka Jira Galmudug oo Lagu Qabtay...

Shirwayne Looga Hadlay Abaaharaha Ba,an ee Ka Jira Galmudug oo Lagu Qabtay Dhuusamareeb iyo QoorQoor oo ka Hadlay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta bini’aadanimo ee ka dhalatay oo caawa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Bini’aadanimada Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame, oo maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb kadib safar dhulka ah oo uu kusoo maray qeybo ka mid ah deeganada Galmudug.

Waxaa sidoo kale shirka goobjoob ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Xeer ilaaliyaha Galmudug, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsatada, culimada, dhalinyarada iyo haweenka Reer Galmudug.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug oo soo qabanqaabisay shirka ayaa warbixin guud ee xaalada abaaraha kusoo bandhigtay shirka, ayadoona lagu gorfeeyay deegaanada iyo dadka ay abaarta saameesay.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa ugu danbeyntii baaq u diray qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan caawinta iyo garab istaagga walaalahood ay abaartu saameysay, iyadoo la saadaalinayo in biyo la’aantu kasii dari karto bilaha soo socda.

Ad
Previous articleDEG DEG: Kumanaan Askari oo katirsan ciidanka Itoobiya oo Gudaha Soomaaliya Soo Galay
Next articleGolaha Wasiirada oo Maantay loo Qaadi Doono codka kalsoonida baarlamanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here