Home Wararka Somaliya Jubbaland War Deg Deg ah: Mid kamid ah Xildhibaanada Cusub ee aan...

War Deg Deg ah: Mid kamid ah Xildhibaanada Cusub ee aan Wali la Dhaarin oo Meydkiisa lahelay Magaalada …

0

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in goordhaw la helay meydka Xildhibaan Maxamuud Muxumed Cumar ( Kuulow) oo kamid ah xildhibaanada cusub ee la doortay ee gollaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubno kamid ah ehelada xildhibaanka ayaana xaqiijiyay geeridiisa, mana jiro faah faahino badan oo laga hayo sida uu u geeriyooday xildhibaanka iyo goobta rasmiga ah ee meydkiisa laga helay.

Illaah ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Muxumed Cumar ( Kuulow) ayaa 22-kii bishii dhamaatay ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, waxa uuna ninkan kamid ahaa xubno aad ugu dhawaa Madaxweynaha Jubbaland .

Xildhibaankan ayaa geeridiisa imaaneysaa iyadda oon wali loo dhaarin kursiga uu ku guuleestay, waxaana sidan oo kale Garawe ugu geeriyooday sanadkii 2016-kii Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo kamid ahaa xildhibaanadii la doortay.

Waxii kusoo kordha geerida Xildhibaanka kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Ad
Previous articleSteven Weber Oo Xili Biyaha dhexdooda Gacalisadiisa uga Dalbanaayay Guur si kedis ah u Geeriyooday(Sawiro)
Next articleWaa Sidee xaaladii ugu Danbaysay ee Magaalada Gaalkacyo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here