Home Wararka Maanta Sirdoonka Turkiga oo dilay Hoggaamiye Abuu Xuseen Al-Qurashi iyo Erdogaan oo Ka...

Sirdoonka Turkiga oo dilay Hoggaamiye Abuu Xuseen Al-Qurashi iyo Erdogaan oo Ka Hadlay

0

Ciidamada sirdoonka dalka Turkiga ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen gudaha dalka dariska la ah ee Syria ayaa la sheegay in ay ku dileen hoggaamiyihii ugu sareeyay kooxda Daacish Abuu Xuseen Al-Qurashi.

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyib Erdogan oo shalay la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa shaaciyay in sirdoonka Turkiga ku guuleesteen in ay dilaan Hoggaamiyaha kooxda Daacish Al-Qurashi uu sheegay in muddo ah ku daba jireen.

Erdogan ayaa sheegay in hoggaamiyaha kooxda Daacish ee la dilay masuul ka ahaa dilka dad badan oon waxba galabsan, waxa uuna xusay in ciidamada sirdoonka Turkiga in muddo ah ninkan ku daba jireen ugu dambeyna ku guuleesteen in ay khaarijiyaan.

Howlgalka ciidamada Turkiga ku dileen hoggaamiyaha kooxda Daacish ayaa la sheegay in uu ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha uu Turkigu taageero, waxaana magaaladan kamid tahay goobihii dhul-gariirka ka dhacay.

Ad
Previous articleQoyskii uu ka geeriyooday Weriye Koonaa oo la siiyey lacag dhan $12,000
Next articleMadaxweyne Ruto oo Farriin adag oo hanjabaad ah u diray Mucaaradka oo dib u bilaabaya Dibad-baxyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here