Home Wararka Maanta Maxamed Cabdi Waare oo xil sare looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD

Maxamed Cabdi Waare oo xil sare looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD

0

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa loo magacaabay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD.

Go’aanka xilka sare loogu magacaabay Waare waxa lagu gaaray shirkii madaxda IGAD ee aan caadiga ahayn ee dhacay bishii Juun.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Shir Guddoonka Golaha Wasiiradda IGAD ayaa warqadda magacaabista Waare u gudbiyay Xoghayaha Guud ee IGAD Dr Workene Gebeyehu.

Soomaaliya ayaa muddaba raadinaysay xilkan oo ay dhawr jeer ol’ole u gashay sidii qof Soomaali ah loogu magacaabi lahaa.

Maxamed Cabdi Waare ayaa bartiisa X ku qoray in Madaxweyne Xasan SHeekh Maxamuud u sharaxay xilkan isagoo uga mahad celiyay. Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay madaxda wadamada IGAD ee ansixiyay xilkiisa cusub, isagoo si gaara carabka ugu adkeeyay dawladda jabuuti oo uu yiri illaa xiligii aan Madaxweynaha ka ahaa Hirshabeelle ayay I garab taaganayeen.

Ad
Previous articleMadaxweynaha DR Congo oo Hanjabaad Culus Hawada U mariyay Madaxweynaha Dalka Ruwanda
Next articleMeesha Laga Dhisaayo Dekeda Hoyo oo laisku Raacay iyo Qoor Qoor oo Amar Bixiyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here