Home Wararka Maanta Sweden oo lagu soo dhaweeyay maanta Qaxootigii ugu Horeeyay ee Ukraine ka...

Sweden oo lagu soo dhaweeyay maanta Qaxootigii ugu Horeeyay ee Ukraine ka yimaada

0

Ku dhawaad ​​90 qof oo qaxoonti ah oo ka yimid dalka Ukrain ayaa saaka soo gaaray magaalada Karlskrona ee dalka Sweden.

Saacadu markay ahayd 8:30 subaxnimo ayaa doon siday dad qaxooti ah oo kasoo tagay dekedda Gdynia ee dalka Poland waxay soo gaadhay dekeda magaalada Verkö ee magaalada Karlskrona.

Kormeeraha Bilayska ee Xuduudaha Thomas Martinson ayaa xaqiijiyay imaatinka ilaa 90 qof oo ka cararay dagaalka Ukraine.

Qaxootigii ugu horeeyey ee Ukrain ah ayaa Jimcihii ina dhaafey soo gaarey magaalada Skona ee koonfurta Sweden , waxaana ay tiradoodu gaareysey 9 qof.

Magaalooyinka Sweden, oo ay ku jiraan Trelleborg iyo Ystad, ayaa isku diyaarinaya inay qaabilaan qaxootiga dagaalka ee Ukraine muddo gaaban gudaheed.

“Si wanaagsan ayaan u diyaarsannay, waxaana la shaqeyneynaa Hay’adda Socdaalka iyo magaalooyinka Malmö iyo Ystad,” Duqa magaalada Trelebury Frederick Scheer ayaa yiri.

Degmada Ystad ma arag wax calaamado ah oo muujinaya inay soo qulquli doonaan qaxooti badan, balse waxay sheegtay inay si wanaagsan isu diyaarinayso.

Ad
Previous articleXaalada Ukraine ee Maanta: Ruushka oo Duqeeyay Dhoor Xaruumood iyo Magaalooyin Cusub
Next articleSarkaalka kasoo Goostay ahlusuna iyo Gaari uu lasoo Goostay oo lasoo Bandhigay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here