Home Wararka Somaliya Puntland Golaha Wasiirada Puntland oo Shir Deg Deg ah isugu Yimid iyo Axmed...

Golaha Wasiirada Puntland oo Shir Deg Deg ah isugu Yimid iyo Axmed Karaash Shir Gudoomiyay Xili uu ku Dhawaaqay Inuu noqday Madaxweynaha puntland(Sawiro)

0

Waxaa maanta kulan yeeshay gollaha Wasiirada dowlad goboleedka Puntland , shirkan ayaana looga hadlay Amniga guud, xaalada Dekeda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka Puntland.

Kulanka maanta yeesheen gollaha Wasiirada Puntland waxaa guddoominayay Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi oo xalay shaaciyay in isagu si buuxda ula wareegay hoggaaminta Puntland kaddib markii Madaxweyne Deni u wareegay Muqdisho.

Inta uu kulanka socday ayaa Axmed Karaash Warbixino ka dhageystay dhamaan Gollaha Wasiirada ee Shirka ku sugnaa, isaga oo faray inay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada kunool degaannada Puntland.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu guddoomiyay Axmed Karaash oo xalay shaaciyay in shirciyan isagu sii hoggaaminayo maamulka Puntland, kaddib markii Madaxweyne Deni oo isku sharaxay xilka Madaxweynaha u wareegay Muqdisho.

Ad
Previous articleKursigii Dhawaan lagu Celiyay Koonfurgalbeed oo Markii Xildhibaankii loo Diiday kuso Baxay
Next articleXeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo u Yeeray Wassirka Batroolka Xili Musuq lagu eedeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here