Home Wararka Somaliya Dalka Kenya oo Lagu la’yahay Ganacsade Somali ah Mudo Todobaad ah

Dalka Kenya oo Lagu la’yahay Ganacsade Somali ah Mudo Todobaad ah

0

Ganacsade lagu magacaabo Maxamed Xasan oo 23-kii bishan laga afduubtay dukaankiisa oo ku yaalla magaalada Machakos ee duleedka magaalada Nairobi ayaa weli la yahay.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Citizen Booliska Kenya ayaa haatan baaraya dhacdadan, iyadoo Qoyska ganacsadahan oo warbaahintan la hadlay ay dowladda ka codsadeen inay ka caawiso dadaallada lagu baadigoobayo ganacsadaha maqan.

Waxaana laga shakisan yahay in ganacsadaha la tageen shakhsiyaad la sheegay inay sameynayeen howlgal ka dhan ah dad aan u hoggaansamin tallaabooyinka ka hortagga cudurka Karona.

“Markii ay goobta yimaadeen sakhsiyaad la sheegay inay sameeyeen howlgalka dhaqangelinta tallaabooyinka ka hortagga Covid-19, waxay dadka weydinayeen afsaabka, dhammaan dadkii aanan maaskarada wadan wey baxsadeen, waxay ceyrsadeen Maxamed oo markii dambe ay qabteen dukaankiisa” ayuu yiri Cumar Xasan oo la dhashay ganacsadaha.

Afduubka dad Soomaalida ah ayaa mudooyinkan ku soo badanayey dalka kenya, kuwaasoo qaarkood la weydiisto lacag madax furasho ah, waxaana falalkaas geysta rag burcad ah oo iska dhiga saraakiisha dowlada.

Ad
Previous articleDeg Deg Taliyaha Ciidanka XDS oo digniin u diray Ciidamada Siyaasadda ku milmay
Next articleMadaxda barnaamijka dhaqancelinta isisoo dhiibayaasha “DRP”oo Booqday Ciidamada Xooga Dalka ee ku Sugan dhusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here