Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Farmaajo kala Hadlay Arimo ay ka Mid yihiin...

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Farmaajo kala Hadlay Arimo ay ka Mid yihiin Ciidamadii Ku Maqnaa Eriteria iyo Kiiska Ikraan Tahliil(Xog)

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markiisii seddaax shalay tegay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kulan dheer la qaatay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sida ay  noo xaqiijiyeen ilo wareedyo Villa Somalia ka tirsan, kulankii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa diiradda lagu saaray arrimo xasaasi oo dalka ka dhacay intii uu xukunka joogay Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu Farmaajo hor dhigay weydiimo ku aadan hanaanka ay ku maqan yihiin dhalinyaradii la sheegay in tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, xilliga lagu heshiiyey in dalka lagu soo celiyo iyo documentiyada heshiiskii lagu qaaday.

Sidoo kale arrimaha xasaasiga ah ee Xasan Sheekh uu shalay Farmaajo kala hadlay waxaa ka mid ah, sida laga yeelayo dembiyadii dalka ka dhacay iyo qaabka loola xisaabtami karo dadka ku eedeysan.

Ilaha aan  xogtaan ka Helnay  ma xusin heshiis ay isla meel dhigeen Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo berri lagu wado inay xukunka isku wareejiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dalka uu deg deg ugu soo celi doono dhalinaradaas ku maqan Eritrea, hadii loo doorto xukunka, waxaana durba waalidiinta Soomaaliyeed ka soo yeeray codsiyo Xasan Sheekh looga dalbanayo inuu fuliyo balan-qaadkaas oo wiilashoodii uu dalka ku soo celiyo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dhalinyaradaas oo laga soo uruuriyey dhamaan gobollada dalka waxaa la isugu keenay Muqdisho oo diyaarado looga daabulay, waxaa la sheegay in tababar loo geeyey dalka Eritrea.

 

 

 

Ad
Previous articleMasuulkii Alshabaab u Qaabilsanaa Minooyinka Magaalada Marka Oo ĺasoo Qabtay(Sawiro)
Next articleSamiira Naasir: Gabadha caawa qabsatay baraha bulshada Soomaalida iyo falcelin ka Dhalatay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here