Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Dowlada Maraykanka Ka codsatay Hirgalinta Mashruuc Muhiim u ah...

Dowlada Soomaaliya oo Dowlada Maraykanka Ka codsatay Hirgalinta Mashruuc Muhiim u ah Soomaaliya

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa magaalada Geneve ee waddanka Switzerland kula kulmay wafdiga Maraykanka ee ka qaybgalay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Waftiga waxaa hor kacayay ku xigeenka Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha bani’aadannimada, Ms Elizabeth H. Campbell, iyo Amy E Pope oo ah ku xigeenka IOM, haatanna u sharraxan xilka Agaasimaha Guud ee IOM.

Ergeyga ayaa dawladda Maraykanka uga mahad celiyey kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen gurmadka abaaraha, isagoo dhanka kale ka codsaday in dawladda Soomaaliya lagala shaqeeyo ka hortaga soo noqnoqashada abaaraha, taasoo ku imaan karta in la maalgeliyo mashaariic wax tar leh dadka oo abaaraha looga hortago sida; tayeynta wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo daaqa iyo sidoo kale in la hirgeliyo istiraatiijiyadda biyaha ee dawladda Soomaaliya, lana maalgeliyo kallumaysiga, dhaqashada xoolaha iyo dhiraynta degaanka.

Dawladda Maraykanka ayaa dhinacooda ballanqaaday in Soomaaliya kala shaqaynayaan sidii ay mashaariicdaasi ku hirgelin lahayd.

Ergayga waxaa ku wehliyey kulanka saraakiil ka socota xafiiska ergeyga iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Switzerland.

Ad
Previous articleSweden oo Shaacisay Waqtiga la Bilaabayo Kaalmada Korontada
Next articleWararkii ugu Danbeeyey ee Dilka loogaystay Cumar Khaliif Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here